4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Taliyihii hay'adda nabad sugida Soomaaliya oo loo doortay xildhibaan golaha shacabka ah
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Taliyihii kumeel gaarka ahaa ee hay’adda nabad sugida Kornayl Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud yaasiin fareey ayaa noqday xildhibaan katirsan golaha shacabka, kadib markii uu ku guulaystay doorasho goor dhowayd ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Kornayl Yaasiin Fareey oo ku tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP 67, ayaa doorashada ka helay 68 cod, halka musharraxa la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Culusow uu helay 20 cod, waxaa  xumaaday  3 cod.

Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa kamid ah dadka aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxaana dadka dowladda kasoo horjeeda ay u arkaan in xildhibaanimadiisu qeyb ka tahay olalaha Villa Soomaaliya ku doonayso in ay kursiga kusii joogaan.

Taliyihii hore ee NISA, Generaal Tuuryare oo kursigaan u sharraxnaa ayaa dhawaan madaxtooyada Soomaaliya ku eedeeyay in ay kursigan u boobayaan shakhsi ay wataan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online