4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Raysal wasaare Rooble oo faray guddiyada doorashooyinka Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle in ay si degdeg ah u bilaabaan doorashada aqalka hoose
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay guddiyada Doorashooyinka heer Federal, Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu faray Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.

Guddiyada doorashooyinka, ayuu raysal wasaaruhu faray in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

“Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah,” ayaa lagu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka aqalka hoose ayaa ku bilowday si gaabis ah, iyadoo golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha ay ka digeen in jiitaanka doorashada uu keeni karo dib u dhac aad u weyn iyo khilaafaad hor leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online