4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
PSF oo sharci darro ku tilmaamtay magacaabidda uu sameeyay madaxweynaha Puntland
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Hay’adda maamusha ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF ayaa sharci darro ku tilmaamtay degreeto uu madaxweynaha Puntland ku magacaabay agaasimaha cusub ee PSF.

Qoraal lagu daabacay barta facebook ee PSF ayaa lagu sheegay in go’aanka madaxweyne Deni uu baalmarsan yahay sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.

“Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina,” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

Kadib markii ay soo baxday magacaabista cusub uu madaxweyne Deni sameeyay, ciiddamo katirsan kuwa PSf ayaa gudaha u galay magaalada Bosaso, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigga ugu weyn ee farriisinka u ah saraakiisha ugu sarreysa hay’adda.

Cabsi ayaa laga qabaa inuu isku dhac dhexmaro ciiddamo magaalada Bosaso la geeyay iyo ciiddanka PSF, sidoo kale, in ciiddanka PSF ay baneeyaan furimaha ay kaga jiraan buuraha Calmadow ee Alshabab weerarada kasoo abaabulaan.

PSF, waa hay’ad madax bannaan, oo tan iyo markii la aas aasay ku dhawaad 15 sano ka hor, ma jirin madaxweyne Puntland soo maray oo soo magacaabay madaxda hay’addan.

Waxaa tan iyo markii la aas aasay xukumayay qoyska Gen. Asad Cismaan Cabdullaah Diyaano, oo Aabahiis Cismaano Diyaano  lagu tilmaami jiray inuu ahaa aas aasihii hay'addan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]