4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Madaxweynaha Puntland oo agaasime cusub u magacaabay hay'adda nabad sugida Puntland ee PSF

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha hay’adda maamusha ciiddanka PSF ee uu Maraykanku maalgaliyo.

Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa soo noqday taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA, sannadkii 2016, waxaana hadda loo magacaabay mid kamid ah hay’addaha ugu saameynta badan dhinaca arrimaha amniga.

Hay’adda PSF, waxaa hadda maamulayay oo madax ka ah sarkaal lagu magacaabo Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo la dhashay Gen, Asad Cabdullaahi Cabdullaahi Diyano oo katirsan masuuliyiinta sare ee urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Mideeye.

General Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo xilkan soo hayay tan iyo sannadkii 2010, ayaa iska casilay sannadkii 2018, kadib markii uu u tartamay xilka madaxweynaha Puntland ee looga guulaystay.

Isaga laftiisu wuxuu  xilkaan kala wareegay Aabihiis oo geeriyooday ka hor waqtiga uu xilka la wareegay, waxaana tan iyo markii la aas aasay hay’adda PSF ay ahayd mid maamulayeen qoyska reer Cismaan Diyaano.

Madaxweyne Deni iyo Gen Asad waxay ahaayeen labadii musharrax ee kama dambeysta ku tartamay doorashada madaxweynaha Puntland, ee 2019. Tan iyo waqtigaas xiriir wanaagsan kama dhaxeeya labadan masuul.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online