4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo goordhaw lagu doortay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw oo maanta ah markale lagu doortay xarunta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kursiga doorashadiisa maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 272 ayaa waxaa ku wada tartamay ilaa sadax Musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Cabdiqani Maxamed Maxamuud iyo Khadra Axmed Ibraahin, waxaana kursigaa ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku guuleystay xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay 65 cod, halka labadii  musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Khadra Axmed Ibraahim 25 cod & C/qani Maxamed Maxamuud 7 cod.

Doorashada kursigaan ayaa imaaneysa xili shalay magaalada Muqdisho lagu doortay 5 ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaalinad taasoo tirada guud ee Xildhibaanada la doortay ee kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ka dhigeysa sideed Xildhibaan.

Waxaa sidoo kale Maanta lagu qabanayaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu doorashada laba kamid ah kurasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]