4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug inay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa sheegay iney soo gabagabeeyeen diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta shan ka mid ah Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka Hoose, hayeesha maanta la qabanayo laba kursi oo ay soo hormariyeen doorashadooda.

Kuraasta goordhaw oo maanta la filayo in doorashadooda bilaabato ayaa kala ah tirsigooda HOP 26 iyo HOP 104, kursiga koowaad ee HOP 26 waxaa horay igu fadhiyay Xildhibaanada lagu magacaabo Ikraan Aadan Absuge, kursiga labaad ee HOP 104, isna waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Dadka deegaanka Dhuusamareeb ee sida weyn ugu dhaga duleela siyaasada ayaa sheegaya in doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb aysan lahaan doonin tartan adag oo dhexmari doona Musharaxiinta, maadama dadka tartamaya ay diyaarsadeen ergadii dooran laheyd iyo shaqasiyaadkii la tartami lahaa, waxaana xusid mudan in Galmudug doorashadii Aqalka sare ee lagu qabtay dhamaanteed ay aheyd mid la isku tanaasulay oo anan tartan adag lagu galin.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maanta maamulkii labaad ee bilaaba qabashada doorashada Golaha Shacabka, waxaana maamulkii horeeyay noqday Soomaaliland oo dooratay ilaa hadda 7 Xildhibaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]