4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Xaalad Bani'aadanimo inuu galay dalka Soomaaliya
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galay Xaalad deg deg ah oo bani'aadanimo oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee dalka kusii faafaya.

Raysal wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23 November 2021 kadib markaan dhageestay warbixintii ay soo diyaariyeen gudigii aan u magacaabay xaaladda abaaraha dalka taas oo muujisay inuu dalku ku sugan yahay xaalad adag oo ay keenen abaaruhu sidaas darted, waxaan Ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad Deg deg ah oo bini’aadanmino loona baahanyahay gurmad deg deg ah gudaha iyo dibadaba”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalka Raysal wasaaraha Soomaaliya uu kasoo saaray xaalada bani'aadanimo ee dalka ayaa imaanaya xili abaaro aad u daran ay ka jiraan inta badan gobolada dalka haba ugu sii darnaatee deegaanada maamulka Jubbaland iyo gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]