4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Guddiga doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland oo soo gabagabeeyay doorashada shan kursi
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Doorashada shan kursi oo katirsan kuraasta xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo kuraasta qaarkood ay kusoo laabteen xildhibaanno horey u joogay golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo muddo dheer kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya, ayaa mar kale ku guulaystay kursiga aqalka hoose, kadib markii uu helay 96 cod, halka 3 codna uu helay musharrax Cabdiraxmaan Warsame oo la tartamayay.  

Kursiga labaad ee doorashada aqalka hoose ee gobollada waqooyi waxaa ku guulaystay Aamino Cumar Jaamac ka dib markii ay tartanka ka hartay Aamino Cismaan Diiriye oo la tartami lahayd.

Kursiga saddexaad ee doorashada, waxaa ku guulaystay xildhibaan Faadumo Xasan Cali, iyadoo heshay codad gaaraya 91 cod, waxaana la tartamayay oo ay ka guuleysatay Hoodo Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, Maxamed Haaruun Cabdullaahi ayaa ku guuleystay kursiga 4aad ee xubinnimada golaha Shacabka ka dib markii uu helay 99 cod, isagoo ka guuleystay Axmed Cali Maxamuud oo aan wax cod ah ka helin doorashada.

Ugu dambay, waxaa kursiga shannaad ee golaha shacabka ku guulaystay Axmed Cismaan Diiriye, isagoo helay 65 cod, halka Dayib Cabdulqaadir Jaamac oo la tartamayay uu helay 36 cod.

Tirada guud ee xildhibaannada la doortay ayaa hadda ah 7 xildhibaan. Illaa iyo hadda ma jirto kuraas kale oo laga doortay maamulada kale, inkastoo berrito la qorsheynayo in maamulada qaarkood bilaabaan doorashada , sida Galmudug iyo K/galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online