4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Muqdisho : Faahfaahino kasoo baxaya wiil dhalinyaro ah oo lagu dhex dilay gurigiisa
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Jamhuuriyada ee degmada Kaaraan waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degan xaafadaasi, waxaana lagu magacaabi jiray marxuumka la dilay Mukhtaar Yaxaloow

Dableyda hubeysneyd ee dilka u geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegay iney wiilka ku dhex toogteen gurigiisa, dabadeedna ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta.

Qof ka mid ah ehelka wiilka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dableyda wiilka ku dhex toogatay gurigiisa ay ku hubeysnayeen Bastoolado, islamarkaana ay dhowr xabadood la dhaceen, si deg deg ahna uga baxsadeen goobta.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka wiilkan dhalinyarada ah, waxaasa warar soo baxaya ay sheegayaan in kooxda dilka geysatay ay ahayeen burcad dhac u geysaneeysay marxuumka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan falka xalay lagu dilay wiilka dhalinyarada ahaa, waxaana xusid mudan in sidoo kale dhawaan halkaasi lagu dilay dhalinyaro kale xili dhac loo geysanaayay.

Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay burcada dilka u geysaneysa dadka shacabka ah iyaga oo doonaya iney ka dhacaan waxyaabaha ay sitaan sida moobeelada gacanta lagu qaato.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]