4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Qoyska Ikraan Tahliil oo caddaalad darro ku tilmaamay go'aankii gudidga baarista kiiska gabadhooda
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa caddaalad darro ku tilmaamay natiijada kasoo baxday guddigii loo magacaabay baarista kiiska gabadhooda oo hay’adda NISA ay horey u sheegtay in ay afduubteen oo ay dileen kooxda Alshabaab.

Hooyada dhashay Ikraan, Qaali Maxamuud guhaad ayaa warbaahinta u sheegtay in lagu tagri falay caddaaladii ay ka sugayeen guddigii baarista loo magacaabay, waxayna sheegtay in wax is dabamarin lagu sameeyay gudidigaas.

Qaali Maxamuud ayaa ku eedeysay madaxweyne Farmaajo inuu faro galin ku sameeyay kiiskaan islamarkaana sababta loosoo dajiyay natiijada baarista ay tahay tahay in la barri yeelayo saraakiisha ku eedeysanaa kiiskan.

“Waad ujeedaan, sababta loosoo horumariyay arrintan, waxay tahay, si loo barri yeelo dadka xasanaada raadsanaya oo dulmiga naga galay ,” ayay tiri Qaali.

Waxay sheegtay in aysan ka quusan doonin caddaalad u helida gabadhooda islamarkaana waxay tilmaamtay in aanay mugdi kaga jirin in gabadheeda ay ku maqan tahay hay’adda  NISA oo ay katirsanayd.

Guddiga baarista kiiskan, ayaa sheegay intii ay baarista kiiska ku guda jireen in aanay u soo bixin wax caddeyn oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta gacmaha saraakiisha hay'adda NISA.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online