4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Hanti-dhowarka Guud ee Qaranka oo sheegay in si khaldan loo maamulay Kharashaadkii Covid 19 ee Soomaaliya
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Hanti-dhowaraha Guud ee Soomaaliya Dr. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa soo saaray warbixin sannadeedka ku saabsan baaritaanka maaliyadda laamaha dawladda Soomaaliya.

Warbixinadan ayaa ka kooban kuwo ka hadlaya dhaqaalaha soo galay dawladda Soomaaliya dibedda iyo gudaha iyo sida loo maamulay, gaar ahaan wasaaradaha iyo qaybaha kala duwan.

Sidoo kale waxaa ku jirta warbxiin si gaar ah diiradda u saaraysa kharashaadkii ku baxay la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo sida loo maamulay.

Waxaa markii ugu horraysay uu hanti-dhowruhu baaritaan ku sameeyey hannanaka loo bixiyo shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya iyo mamaulka dakhliga kasoo xarooda.

Waxaa sidoo kale uu sheegay inuu baartaankiisa ku ogaaday jiritaanka akoonno ay adeegsadaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda oo ka baxsan qasnadda dhexe ee dawladda.

Waxa uu sheegay in lacag dhan $17 milyan oo dollar oo taageero dibadeed ah aan lasoo marsiinin qasnadda dhexe ee dawladda.

Waxa uuu sheegay in safaarada iyo xafiisyada ay Soomaaliya ku leedahay waddamada dibedda ay sannadkaas qabteen dakhli dhan $278,000 lacagtaas oo aan lagu darin warbixinada maaliyayeed ee ay soo gudbiyeen.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aysan soo gudbin macluumaadka sida ay u kharash gareeyeen $78 milyan oo ay ka heleen dawladda federaalka.

Hanti-dhworraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayey baaritaanka uu ku sameeyey sida loo maamulay lacagaha COVID-19 ayaa sheegay inay dawladda soo gashay lacag ka badan $51 milyan oo gudaha iyo dibadda ah.

Waxa uu sheegay in $3.9 milyan oo ka mid ah lacagtaas oo la siiyey maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lasoo gudbin caddaymo muuujinaya sidii ay ku baxeen.

Waxa uu intaas ku daray inuusan jirin qorshe hufan oo nidaaminayey jawaabta dawladdu ka bixisay la dagaalanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in lagu guuldarraystay in la diyaariyo xarumo karantiil iyo kuwa dadka lagu daweeyo oo ku filan inkastoo sida uu sheegay la hayey dhaqaalihii ku bixi lahaa.

Ugu dambayn waxa uu sheegay hanti-dhowraha inuu baaritaan ku sameeyey nidaamka loo bixiyo kharashka kasoo xarooda shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ugu horrayn aysan jirin shuruuc lagu maamulo waaxda kalluumaysiga.

Waxa uu sheegay in dakhliga ay ahayd inuu soo xaroodo uu yahay $56 milyan kaasoo ay ahayd in laga qaado maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay inaysan jirin kormeer iyo la socod maraakiibta ka kalluumaysanaysa xeebaha Soomaaliya.

Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka ayaa ugu danbeyn sheegay in Maamul Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir aaney Xisaab celin ka sameynin lacag dhan 78 Milyan oo Dolar oo la siiyay, taas oo uu ku tilmaamay Nasiib darro weyn.



Yuusuf Cabdi Shire,Hiiraan Online
[email protected]