4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay xilka qaadistiisa iyo cidda ka dambeysay
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay fajac ku noqotay xil ka qaadistii xalay lagu sameeyay, xilli uu sheegay inuu madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ka sugayay in ay wax ka qabtaan tabashooyin uu u gudbiyay.

Wasiir Cabdirsaaq Maxamuud ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in todobaad ka hor uu madaxda dalka u gudbiyay inuu diyaar u yahay inuu xilka iska casilo, haddii aan wax laga qabanin arrimo uu ka cabanayay.

Wuxuu sheegay casilaadiisa inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in lagusoo beegay sannad kadib, isagoo u dabaal dagayay guulo waa-wayn oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaartay siyaasada arrimaha dibadda ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxda dalka ay ka diideen inuu icasilo, taas beddelkeedna ay kala hadleen in ay xallinayaan waxyaabaha tabashadiisa ah, kuwaas oo ay saxaafadu wax ka weydiisay, balse uu ka gaabsaday.

“Waxyaabaha jiray, annaga hoos baan uga wada hadalnay, waxaan islahaa waa wax si fudud ku dhammaan kara. Laakiin nasiib darro m aysan noqonin. Waxaan qofka iga dambeeya u rajeynayaa guul,” ayuu yiri wasiir hore.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, ayaa qorshaynaya inuu iskusoo sharraxo xildhibaan katirsan golaha shacabka, sida uu wareysigiisa ku sheegay, sidoo kale xilka madaxweynaha oo uu mar iskusoo sharraxay wuxuu sheegay inuu la sugayo waqtigiisa.

Raysal wasaare rooble ayaa xalay xilka ka qaaday, isagoo ku beddelay booskiisa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, Cabdi Muuse Siciid.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online