4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Somaliland : Madaar casriya oo dowlada Imaaraatka Carabta ka hirgalisay magaalada Berbera


Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismaha madaar casri ah oo shirkad layidhaa TISL oo laga leeyahay dalka Imaraatka Carabtu ka hirgalisay magaalo xeebeedka Berbera.

"Madaarkani wuxuu kamid yahay qorsha horumarinta marinka Berbera Corridor, waxaanu si toosa mataano ula noqonayaa Dekedda Berbera, waxaana adeeg kaheli doona macamiisha dekeda, dalxiisayaasha xiisaynaya magaalo xeebeedka Berbera, maalgashada yaasha caalamiga ah iyo suuqa rakaabka ee mandaqada" sida waxa yidhi maareeyaha hay'adda duulimaadyada Somaliland, Cumar Sayid Cabdillaahi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta, ay Somaliland  isgarab taagtay wakhti adag, isagoo sheegay in Somaliland ay abaal u hayso cidkasta oo is garabtaagta, isla markaana ayna ka haybaysanayn dowlad kasta oo aan ixtiraamin haba xoog waynaatee.

"Dowlada Imaraatka Carabta, madaxdooda Somaliland waxay is garabtaageen wakhti adag.., siyaasadeena arrimaha dibadu waxay ku dhisantahay nin waliba intuu itaro uun baan tixgaliyaa, ha xoog waynaadee ama maal ha la haado, waxa weeyaan nin waliba intuu iigu shubo uun baan ugu shubayaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

"Ninka qaranimada Somaliland ixtiraama ee maalin eray nooyidhaahda, ama taakulo wax nagu tara, abaal baanu u haynaa, dowlada arki wayda qaranimada Somaliland, xoogkasta ha la haado, dhaqaale kasta ha lahaado, aniguna kuma arkayo hadanad i arkayn ayaanu leenahay".

Barxada diyaaraduhu ku ordaan ee madaarkan, ayaa dhererkedunyahay 4,140 mitir, waxana lagu tilmaamaa tan ugu dheer ee ku taala guud ahaan qaarada Afrika, waxaana markii ugu horaysay dhisay Midowgii Sovieti 1970 yadii, oo xarun ciidan ka dhigtay si uu Maraykanka uga cidhidhsado gobolka Geeska Afrika.

Madaarkan oo muddo dheer howlgab ahaa ayaa waxa dib u casriyayn ku samaysay shirkada TISL, oo laga leeyahay UAE, waxana gabi ahaanba dib loo dhisay barxadii diyaaradaha, dhismihii madaarka waxaana la casriyeey adeega uu bixinayo, maantana dhul kiisu waxa uu ku fadhiyaa 30 kilo mitir oo isku wareega ,waxana maamuli doonta isla shirkada dhistay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]