4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay sharuudaha laga doonayo Musharaxiinta Doorashada Golaha Shacabka
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelibta doorashada maamulka Galmudug ayaa soo saaray sharuudaha laga doonayo Musharaxiinta ku tartami doonta shanta kursi ee ugu horeysa doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

War qoraal  ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in isdiiwaan gelinta Musharaxiinta shanta kursi ee ugu horeysa ay bilaabaneyso 20-Novembar- 2021 oo ku beegan Maanta oo sabti ah, islamarkaana Musharaxiinta laga doonayo iney bixiyaan lacagta diiwaan gelinta ah.

Guddiga ayaa sheegay in Musharax kasta oo u tartamaya shanta kursi ee horey loo shaaciyay looga baahan yahay inuu leeyahay aqoon ugu yaraan dugsi sare ama waayo arragnimo u dhiganta iyo inuu heysato Warqada dembi la’aanta ee Hay’adda CID-da.

Waxaa sidoo kale guddiga qoraalkiisa ka mid ahaa in lacagta diiwaan gelinta Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee laga doonayo inay bixiyaan ragga ay tahay lacag gaareysa $10,000, halka Musharaxiinta dumarka ahna ay bixinayaan $5,000.

Hoos ka akhriso Sharuudaha Guddiga soo saareen oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]