4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Itoobiya : Xaalad degdeg ah oo lagaga dhawaaqay guud ahaan dalkaasi
 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Itoobiya ayaa hadda ansixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo guud ahaan dalka Itoobiya, sida uu shaaciyay Wasiirka Cadaaladda ee Itoobiya.

Xaaladdan deg dega ah ayaa ka dhigan in si guud sharciga loo laalay mudada ay soconayso xaaladdan deg degga ah, sidoo kalena uu ciidanku maamulayo guud ahaan dalka isla mudada ay jirto xaaladdan deg degga ahi.

Sidoo kale xaaladdan deg degga ah ayaa xadidaysa hantida qofkii ama ganacsadihii looga shakiyo inuu si dadban iyo si toos ah u caawinayo kooxda TPLF, iyadoo lagala noqonayo warqadda fasaxa ganacsigiisa, sidoo kale qofkii dambi galaa lama gaynayo Maxkamad iyo wixii lamid ah, balse si toos ah umbaa looga tallaaba qaadi.

Qodobadaas iyo kuwa kale oo badan ayaa kamid ahaanaya waxyaabaha ay xambaarsan tahay xaaladda deg degga ah ee ay golaha wasiiradu ansixiyeen maanta, iyadoo la filayo in 48-da saac ee socota la hor geeyo Barlamanka Itoobiya si ay u ansixiyaan xaaladdan deg degga ah, waxayna socon doontaa xaaladdan muddo 6 bilood ah.

Si guud xaaladdan deg degga ah ayaa ka dhigan in ammar walba oo dawladda kasoo baxa siduu yahay loo fulinayo, ciddii fulin waysana ama khalad lagu qabto isla markaaba laga tallaabo qaadayo, iyadoo aan wax sharci ah la marin, waxaana xusid mudan in mudada ay jirto xaaladda deg degga ahi qofkii la xidho uu xidhnaanayo ilaa la qaado xaaladda deg degga ah.

Dawladda Itoobiya ayaa xaaladdan deg degga ah ku macnaysay talaabo lagu xasilinayo xaaladda dalka ka jirta, iyo waliba in lagaga hortago khatar kasta oo dalka Itoobiya ku imaan karta. Waxayna kusoo beegmaysaa xilli uu sii xoogaystay dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda TPLF, isla markaana TPLF ay dhankeeda sheegtay inay u jihaysanayso dhanka Addis Ababa, kaddib markii ay soo qabsatay maalmihii lasoo dhaafay magaalooyin waawayn oo muhiim ah oo kamid ah dowlad degaanka Axmaarada.

Lama garan karo waxa ka dhalan kara xaaladda deg degga ah ee maanta lagu soo rogay Itoobiya, waxayna dad badani ka walaacsan yihiin xaaladda sii xumaanaysa, iyo waxa ka dambayn kara xaaladda deg degga ah ee maanta lagu dhawaaqay, oo ay dowladdu u aragto mid lagu xalin karo dhibka maanta ka jira Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]