4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Afhayeenka Kulmiye "Guddoomiyihii xisbiga Waddani waala kala iibsaday"
 

Talaado, Noveber, 2, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Buuni, ayaa dhaliilay habka ay u socoto u diyaar garowga doorashada guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Buuni ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in ay guddoomiyihii xisbiga ka iibiyeen qof gaara, halkii loogu dooran lahaa fagaare, oo cod loogu kala bixi lahaa, waxaanu sheegay in talaabadaasi ay ku wiiqayso hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland.

"Waxa nasiib darro ah in halkii guddoomiyaha xisbiga Waddani loogu tar tami lahaa, in xisbigiiba saylada banaanka lagu sii kala iibsaday oo cid tartamaysa anay jirin" ayuu yidhi Buuni.
"Waana arrin hoos u dhigaysa oo wiiqaysa axsaabteeni qaranka ee aynu rabnay in ay koraan, dadkiina niyad jab ku ridaysa".

Shirwaynaha xisbiga Waddani oo lagu dooran doono madaxda xisbiga ayaa la filayaa in uu ku qabsoomo muddo dhowr iyo toban cisho ah, ilaa iyo hadana jagada guddoomiyaha waxaa soo xeraystay guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Xirsi Xaaji Cali Xasan, inkasta oo la sheegay in Cirro jagada guddoomiyaha uu Xirsi u dhisayo.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]