4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
War saxaafadeed ka soo baxay kulan deg-deg ah oo ay yeesheen golaha hawl-fulinta ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya
 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Guddida fulinta ee dowlad degaanka Soomaalida  Itoobiya oo maanta yeeshay kulan degdeg ah, ayaa waxay soo saareen War-saxaafadeed lagaga hadlayay qodobo muhiim u ah shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba War saxaafadeedkan  oo dheeraa ayaa ugu horeyn lagaga hadlay dhibkii ay kooxda TPLF ugaysatay shacabka dowlad degaanka Soomaalida mudadii ay xilka haysay, waxaana War saxaafadeedka lagu bilaabay sidan:-

Sida la wada ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka degaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin balaadhan iyo dhibaatooyin baaxad leh, kuwaas oo ay ka wada dharagsan yihiin bulshada Soomaalidu, iyadoo gafafkii ballaadhnaa ee soddonkii sanee la soo dhaafay ay TPLF bulshada Soomaalida u gaysatay ay saamayn ballaaran ku reebtay shacabka Soomaalida, sida dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha bulshada iyo dhaqaalahaba.

Sidoo kale War saxaafadeedkan ayaa lagu yiri "Saddexdii sano ee la soo dhaafay isbaddalkii kaddib dowlad degaanka Soomaalida iyo hoggaaminteeduba oo isku duuban, waxa ay xoogga saareen in shacabka Soomalida laga dulqaado dhibaatadii ay TPLF u gaysatay, iyadoo sidoo kale isla mudadaa saddexda sano ahayd ee lasoo dhaafay la qaaday jid walba oo ummadda Soomaalida lagaga samata bixin karo hadimooyinkii baaxadda lahaa ee ay TPLF shacabka u geysatay, Waxaana lagu guuleystay in laga soo gudbo talooyinkii ay Janaraaladdii TPLF talisyadooda uga soo go'aamin jireen degaanka, iyo waliba argagixii shacabka la galin jiray.

Maanta ma jirto, mana jiri doonto ayaa war saxaafadeedka lagu yiri in ay soo noqdaan dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed ay TPLF gaadhsiisay, mid dowlad degaanka Soomaalida laga ogolaanna ma aha.

Dowlad Degaanka Soomaalida waxa ay aaminsan tahay in masiirka shacabka Soomaalidu ku jiro gacanta shacabka Soomaaliyeed, nooc walba ha ahaadanee, sidaas darteedna ay go'aanka iyo taladuba ka soo go'ayso shacabka Soomaalida, ayaa lagu yiri War saxaafadeedkan.

Ugu dambayn, War saxaafadeedkan ayaa lagu yiri " Dowlad Degaanka Soomaalida waxa uu waajib ka saaran yahay nabadda iyo horumarka shacab weynaha Soomaalida, waxa ayna dowladdu caddaynaysaa in ayna imaan doonin gacan shisheeye, lana ogolaan doonin".

War saxaafadeedkan ayaa kusoo hagaagaya iyadoo maalmahan jahawareer guud uu ka jiro Itoobiya, isla markaana dowlad degaannada Itoobiya ay aad uga hadleen dagaallada ka soconaya waqooyiga Itoobiya, iyadoo degaannada qaarkoodna shacabkooda ugu baaqay inay dagaalka ka qayb galaan, si ay u garab istaagaan dawladooda.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]