4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Soomaaliya oo kaalinta 5aad kaga jirta tirada ugu badan ee carruurta lagu dilay ama lagu naafeeyay dagaallada
 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saareen kooxda dabagal ku sameysa Carruurta ay saameeyeen colaaddaha hubeysan ee ka jira Soomaaliya ayaa walaac xooggan looga muujiyay khatarta ay xilligan wajahayaan carruurta Soomaaliya.

Kooxdan oo magacooda loosoo gaabiyo CAAC, waxay warbixintooda ku sheegeen in loo baahan yahay in xuquuqda carruurta ay qeyb ka noqoto dadaallada caalamiga ah si loo helo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Wadarta guud ee xadgudubyada la xaqiijiyay ee loo geystay carruur ku nool Soomaaliya, ayaa gaaraysa 23,374 kiis, waxayna ka badan tahay dhammaan dalalka kale, 5-tii sano ee la soo dhaafay (2016-20).

Xogta ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay tahay dalka ugu badan ee carruurta la qafaashay oo dhan 6,553 carruur ah.

Tirada ugu badan ee carruurta ka badbaaday xadgudubyada kufsiga ayaa lagu sheegay 1,606 kiis, halka tirada carruurta la shaqaaleysiiyay ay gaarayaan 9,533 kiis.

Soomaaliya ayaa ku jirta kaalinta 5-aad ee tirada ugu badan ee carruurta lagu dilay ama lagu naafeeyay dagaallada (4.883). Inta badan Al Shabaab ayaa gaysta falalkan sida warbixinta lagu sheegay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online