4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Puntland oo joojisay kulan dadweyne oo su'aallo lagu weydiin lahaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya
 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Puntland ayaa xalay joojisay kulan dadweyne oo guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya lagu weydiin lahaa su’aallo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka iyo halka ay wax marayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo dimuqraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu eedeeyay inuu bixiyay amarka lagu joojiyay kulanka dadweyne ee guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Lama garanayo ujeedada loo joojiyay  kulankaan, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii madaxweyne Deni iyo guddoomiye Cirro ay kawada hadleen dardar galinta qabashada doorashooyinka golaha shacabka.

Bulshada rayidka ah ee kulankaas kasoo qeyb galay ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabada lagu joojiyay kulankaas, waxayna ku tilmaamay arrin mujinaysa dowladdu in aysan raali ka ahayn in dadweynuhu ka wax ogadaan geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Madaxda barnaamijkan qaban qaabinayay ayaa sheegay in markii goobta la isugu yimid oo kulanku bilaaban lahaa uu wasiirka arrimaha guduhu amar kusoo bixiyay in kulankaas la joojiyo, mana bixin wasiirku wax sabab ah oo loo joojiyay.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online