4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay xoojinta xiriirkooda kadib go'aankii maxkamadda ICJ
 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ee soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay qabanqaabada kulan ay yeelanayaan guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, oo qeyb ka ahaa qodobadii kasoo baxay kulankii raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya ku yeesheen Nairobi, bishii August 2021.

8-dii August, Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo Kalfadhiga saddexaad ee guddiga wadajirka ah, si loo sii ambaqaado ka wada shaqaynta  dhinacyada Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Difaaca, Beeraha, Dalxiiska. iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan sheegay in xiriirka labada dal uu meel xun gaari karo, kadib markii maxkamadda caddaaladda adduunka ay Soomaaliya u xukuntay dhul baddeedkii lagu muransanaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online