4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Dowladda Soomaaliya oo guul ku tilmaamtay in golaha ammaanku ku taageeray mowifkeeda ku aadan howlgalka AMISOM
 

Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamtay in dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ay ku taageereen mowqifkeeda ku aadan diidmada qorshaha midowga Afrika uu ku doonayo in loo beddelo howlgalka AMISOM.

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in golaha ammaanku uu soo saarayo qoraal uu ku sheegayo in qorshaha midowga Afrika uu yahay mid ka soo horjeedo in Somaaliya lagu wareejiyo ammaanka dalkeeda .

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay rabto in howlgalka AMISOM uu ku ekaado la dagaalanka cadowga dowladda iyo in la dhiso tayada ciiddanka Soomaaliya, laguna wareejiyo masuuliyadda ay AMISOM haatan gacanta ku hayso.

“Waxaa farxad aad u weyn noo ah, in dowladdihii ku jiray golaha ammaanka ay kulligood caalamad aad u fiican ka bixiyeen in annaga dooddeenii ay qaateen, oo tii midowga Afrika aan la qaadan,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay, in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in iyada looga dambeeyo qorshaha amnigeeda isla markaana aysan qaadan qorshe dusha looga keenay oo lagu dul maamulo, wax tal ahna aysan ku lahayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online