4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika ee muranka badan dhaliyay
 

Jimco, November 19, 2021 (HOL) - UK ayaa ka hor timid qorshaha lagu doonayo in howlgalka Amisom loogu badalo mid wadajir ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, sida uu dhawaan soo jeediyay Golaha Nabadda ee Midowga Afrika.

Go’aankan ayaa waxaa shaaca ka qaaday safiirka UK u fadhiya QM Barbara Woodward oo ka hadashay shirka golaha amaanka ee QM oo ay doraad ka yeesheen arrimaha Soomaaliya.

Barbara Woodward ayaa sheegtay in aragtidooda ay tahay in taageerada amniga caalamiga ah ee Soomaaliya laga dhigo mid sii jiri kara oo waara, iyo in la taageero sidii loogu gudbi lahaa nidaam amni oo ay Soomaalidu hoggaamiso, taasoo qayb ka ah qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya, marka ay Amisom baxdo.

"Aragtidayada waxay tahay in habka dhinacyada badan leh ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee ay soo jeediyeen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uusan guuleysan doonin," ayaa tiri Barbara.

Barbara waxay sheegtay in qorshayaasha midowga Afrika uu ka soo horjeedo fikradda horumarka leh ee ah in mas'uuliyadda ammaan si buuxda loogu wareejiyo Soomaalida.

Safiirka UK ayaa sheegay in heshiis lala gaaro Midowga Afrika iyo QM, iyadoo la tashanaya dowladda Federaalka ay ka dhigan tahay in laga gudbo ismari waaga haatan jira, lana gaaro heshiis horay loogu sii socdo.

Go’aanka UK ayaa dhabar jab weyn ku ah in howlgalka Amisom loo bedelo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online