4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Golaha midowga Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay boob lagula kaco doorashada aqalka hoose

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta boob lagula kaco doorashada aqalka hoose, taasoo ay sheegeen in ay ka dhalan karto colaad sokeeye.

Midowga musharraxiinta waxay walaac xooggan ka muujiyeen dib u dhaca is-daba joogga ah ee doorashada, waxayna sheegeen in ay ka hortagayaan muddo kororsi dadban, iyagoo tilmaamay in aanay xamili karin doorasho la daahiyo oo laga leeyahay dano gurracan, sida ay ku sheegeen warkooda.

Waxay dalbadeen in la helo jadwal doorasho oo midaysan oo ay ku caddahay taariikhda billowga doorashada xubnaha golaha shacabka iyo dhammaadkeedaba, waxayna sheegeen in aanay aqbalayn doorasho maalinba dhowr kursi la shaacinayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online