4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weeraradii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay labadii weerar ee lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar iyo dad rayid ah oo ka dhacay Kampala Talaadadii.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in falkan uu ahaa mid argagixiso oo wax u dhimayo amniga, xasiloonida, iyo horumarka Uganda.

Dowladda Soomaaliya waxay tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si deg deg ah u bogsadaan. iyadoo ugu baaqday dalalka Afrika inay sameeyaan dadaal looga hortagayo argagaxisada fikir ahaan.

Labo qarax oo subaxnimadii Talaadada ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo rayid ah, iyadoo weeraradaas ay sheegteen mas'uuliyadooda kooxda Daacish.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online