4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Somaliland oo digniin kama danbaysa siisay dadka kasoo jeeda Koonfur-galbeed Soomaaliya
 

Arbaco, November, 17, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland laantiisa gobolka Sanaag, ayaa digniin kama danbays ah siiyay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in ay qab qaban doonaan cidii Somaliland ka bixi wayda.

Taliyaha booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag gashaanle sarre Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa digniin siiyay dadka wali magaalada ku hadhay, isagoo sheegay in ay guryaha gali doonaan oo soo qab qaban doonaan iyaga oo sharciga u maraya.

"Wuxuu maanta halkan ciidanku u diyaar garoobay oo uu ku dhaqaaqayaa, dadkii ajaanib ka ahaa ee dowladu tidhi haka baxaan, wixii joogayaana sharci hasoo samaystaan, nimanka guryaha gudahooda ku dhuumaalaysanaya iyo kuwa qarinayaba hadhaw bay odhan lanooma digin, anagoo sharciga u marayna, waaran u goosanayna, qofkasta guriga uu joogo ayaanu ugu tagaynaa" ayuu yidhi Ubaxle.

Taliye Ubaxle ayaa sidoo kale, digniin siiyay dadka reer Somaliland ee iyagu ka caawinaya in ay guryahooda ku dhuuntaan isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono.

"Kaa la yidhi bax ee amarkii diiday ee dowlada iska dhaga marinaya, iyo ka gacan siinaya, iyo ka gurigiisa ku qarinayaba iskumid ayaanu anagu u aqoonsanaynaa, hadhow buu odha doonaa muwaadinkaasi warbixin booliisku iskama soo horaysiin, in badan baanu kula hadlaynay waa digniintii saddexaad" ayuu yidhi Ubaxle.

Xukuumada Somaliland ayaa wali wada raaf ay ciideeda kaga saarayso dadka aan Somaliland u dhalan khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo lagu eedeeyay amni daro ka dhacday gobolo Somaliland ka tirsan.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]