4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
 

Arbaco, November, 17, 2021 (HOL) - Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.

"Alle haw naxariistee wiil yar ayaa ku dhintay guri Jiingada oo dab qabsaday xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargeysa" ayaa lagu yidhi warbixinta uu dab-damisku baahiyay.

"Ciidanka Dab-demiska ayaa gurmad u fidiyay, waxaanay Maydkii ka soo saareen gudaha hore ee guriga, sidoo kale ciidamada ayaa damiyay dabkaas , kana xakameeyay guryihii kale".

Dab-damiska ayaa ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista oo hawlgalkaa goobjoog ka ahaa ku  wareejiyay maydka.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]