4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo caawa kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Golaha amaanka ayaa Caawa yeelanaya kulan ay uga wada xaajoonayaan xaalada Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhegaysandoono ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Sidoo kale danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa golaha ammaanka siin doona warbixin ku saabsan xaaladda howlgalka AMISOM oo waajibaadkiisu uu ku egyahay bisha December.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku fahmi la’ mustaqbalka howgalka AMISOM oo hadda uu mugdi ku jiro, kadib markii guddiga nabada midowga Afrika la yimid qorshe wax looga beddelayo howlgalka.

Golaha ammaanka ayaa la filayaa inay muddo lix bilood ah u kordhiyaan howlgalka AMISOM, balse goluhu ma taageersana qorshaha uu guddiga nabada midowga dabada ka riixayo ee ku saabsan mustaqbalka AMISOM.

Xiriirka sii xumaanaya ee AU iyo dowladda Soomaaliya, ayaa laga yaabaa in lix bilood gudahood AMISOM, ay mas’uuliyadeeda amni ku wareejiso ciidamadaa amniga Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online