4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Bakool

Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya qeybta 60-aad ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalo saacado badan qaatay waxay ka sameyeen deegaanada ay maanta la wareegeen oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka waxaa ka mid ah Aboore, Gomori, Banjinaay iyo Doonfuul, kuwaas oo hoos yimaada degmada Xudur.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka  oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in fariisimo ay ka sameysteen deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana howlgalada ay sii wadayaan.

Howlgalada ciidamada ay kula wareegeen deegaanadaan ayaa ujeedkoodu lagu sheegay sidii go'doonka Al-shabaab ay galiyeen degmadaasi looga saari lahaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]