4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Dowladda Soomaaliya oo doonaysa Soomaali katirsanayd Daacish oo xiran Suuriya in dalka lagusoo celiyo

Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo sii deyn lahaa Soomaalida ku biirtay Daacish ee ku xiran xabsiyada ku-yaalla dalka Suuriya, sida uu sheegay Farxaan Gurxan oo ah sii hayaha safaaradda.

Farhaan Gurxan oo hadda ku sugan Xerada Al Roj, ee Waqooyiga Syria, ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC, wxuuu kaga hadlay tirada Soomaalida ku jirta xeryahaas iyo xaaladda ay ku sugan yihiin

“Waxaan la kulmay sarkaalka jabhadda kurdida ee gacanta ku haysa gobolkan, wuxuu ii ballanqaaday in la i gayndoono xerada Alroj ee dumarka ay ku jiraan, wuxuu kaloo ii ballanqaaday inuu ila kulansiiyo labo kamid ragga Soomaaliyeed ee xabsiyada Daacish ku jira, si aan uga wareysto xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Farhaan Gurxan.

Xerada Alroj iyo xero kale oo ku dhow wuxuu sheegay in ay ku jiraan 19 dumar Soomaaliyeed ah iyo 23 carruur ah oo ay dhaleen, halka sidoo kale ay jiraan dhallinyaro rag ah oo xabsiyada ku jira oo aan tiradooda lahaynin.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonayso in dadkaan lagusoo celiyo gudaha Soomaaliya, maadaama ay ku dhibaataysan yihiin xeryaha iyo xabsiyada dalkaas oo ay muddo sannado ah ku jiraan.

Soomaalida ku xiran xabsiyada Suuriya ayaa u badan kuwa ka yimid dalalka Yurub iyo Maraykanka, waxayna ku biireen ururka Daacish, laakiin markii ururkaas la jebiyay qaarkood way dhinteen, halka qaar kalena way xiran yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online