4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Ciiddamada dowladda Soomaaliya oo burburiyay jidgooyin sharci darro ah oo yaallay gobolka Shabeeladda hoose

Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeeladda hoose, ayaa burburiyay isbaarooyin sharci darro ah oo koox maleyshiyaad ah ay dhigteen wadada ee isku xirta Muqdish iyo shabeeladda hoose.

Maleyshiyaadka ayaa lacago baad ah ka qaadan jiray gaadiidka xamuulka qaada, waxaana shalay lagu qaaday weerar ay ka dambeyeen ciidamada booliiska iyo kuwa milatariga.

Labo kamid ah maleyshiyada ayaa goobta lagu dilay, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay ciiddamada isku dhafka ee howlgalka qaaday.

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalkaas ay ku dhaawacmeen hal askari oo dhinacooda katirsan iyo qof shacab ah, waxay kaloo sheegeen in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah raggii isbaaradu u taalay.

Waa howlgalkii labaad oo dhaca maalmo gudaheed, waxayna sheegeen in aysan cidna ka yeelandoonin in ay jidgooyo sharci darro ah dhigtaan, howlgalkuna uu sii socon doono illaa inta laga nadiifinayo jidgooyooyinka yaalla inta laga xukumo Wanlawayn.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa kamid ah meelaha gaadiidku dhibaatada badan ku qabaan jidgooyooyinka sharci darrada ah. Qaar kamid ah waxay u yaalliin ciidamada dowladda, kuwaas oo gaadiidka ka qaata lacago baad ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online