7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
Qoyska duuliye Fu'aad Yuusuf Cali oo walaac xooggan ka muujiyay xabsi 10 sano ah oo ay Jabuuti ku riday duuliyahan
 

Axad, November 14, 2021 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa toban sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $12,000 ku riday Fu'aad Yuusuf Cali, oo muddo toban sano dalkaas ka ahaa duuliye ciidan.

Xaaska duuliyaha, oo lagu magacaabo Timiro Jaamac ayaa sheegtay in xukunka lagu riday seygeeda uu yahay mid caddaalad darro ah, waxayna sheegtay in aan loo oggolayn in ay aragto seygeeda meesha uu ku xiran yahay.

"Isniintii ayuu dhacay xukunka, si caddaalad darro ah, si xeerka iyo xuquuqda aysan dhigeyn ayaa loo xukamay Fu'aad, 9-kii subaxnimo ayaa maxkamada Jabuuti nalagu xareeyay, 11-ka habeennimo ayaana la xukumay Fu'aad", ayay tiri Timiro oo la hadashay BBC Somali.

Waxay sheegtay in maxkamaddu ay diidday in xukunkaasi racfaan laga qaato. Waxay intaas raacisay in dowladda Jabuuti ay ka codsaneyso inay u oggolaato dibadbax nabadeed.

Fu'aad ayaa 27-kii bishii Maarso ee sanadkii hore u cararay dalka Ethiopia, ka dib markii uu ka hadlay caddaalad darrada ka dhex jirta militariga dalka Jabuuti.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah lagu soo xirayo Fuad Yuusuf oo xilligaas Itoobiya ku sugnaa, isagoo baxsad ah.

Xilli uu isu diyaarinayay inuu magangalyo weydiisto Ethiopia ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa, waxaana kadib loosoo musaafuriyay dalka Jabuti.

Soo musaafurintiisa ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanayay qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxay sheegayeen in duuliyaha uu halis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online