7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 12, 2021
Al-shabaab "Weerarkii Ismiidaaminta ahaa waxaa ku dilnay Saraakiil Ameerikaan ah"
 

Jimco, November 12, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarax Ismiidaaminta ahaa shalay galinkii dambe lagula eegtay magaalada Muqdisho Kolanyo ka tirsaneyd ciidanka AMISOM xili ay marayeen agagaarka Isgoyska Banaadir.

Qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa ee jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayay Shabaab sheegeen inuu fuliyay ruux naftii hure ahaa oo isticmaalay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Al-shabaab waxay sheegeen in weerarka lala eegtay gaari ay saarnaayeen saraakiil Ameerikaan oo u shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers , taaso ah shirkad qaabilsan arrimaha difaaca.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah labeegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil Caddaan American ah waxaa si gaar ah loo beegsaday gaarigii ay saarnaayeen saraakiisha Mareykanka ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-shabaab maysan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka ismiidaaminta ah ee ay masuuliyadiisa sheegteen, walow ay sheegeen in meydadka iyo dhaawacyada loo qaaday xerada Xalane.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha AMISOM oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka ismiidaaminta ahaa ee Shalay galinkii dambe lala beegsaday gaadiidkooda, xili ay marayeen agagaarka Villa Baydhabo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]