4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay burbur ku yimaada Itoobiya
 

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya walwal xooggan ka qabto in ay qaxooti badan oo Itoobiyaan oo kasoo cararaya colaadaha dalkaas ay kusoo jabaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aad uga walaacsan tahay haddii  burbur ku yimaada Itoobiya in hubka gacmaha u galayo dad shacab ah, taaso uu sheegay in ay xasilooni darro ku keeni karto Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay 15ka bishaan in magaalada Kampala uu ka dhacayo shir uu madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galayo oo looga hadli doono arrimaha gobolka geeska Afrika ka taagan, sida Itoobiya.

“Waxaan rajeynayaa in dhammaan dalalka deriska nala ah ay noqdaan kuwa xasiloon siyaasad ahaan. Cidna uma rajeynaynayo dhibkii Soomaali soo martay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay wada hadal ugu baaqayso dhinacyada isku haya dalka Itoobiya, si looga baaqsado in dad maato ah lagu laayo colaada ama burbur laga dhaxlo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online