4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq "Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto"
 

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo magaalada Muqdisho ku qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31 December, 2021, sida ku cad go'aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568.

Wasiirka Maxamed Cabdirisaaq ayaa xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Mohammed Omar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo heerka ay gaadhsiisan tahay u diyaar garowga ciidamada qaranku u leeyihiin in ay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka Soomaaliya.

“Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay , qorshaha kala guurka waxa uu ahaanayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaliya ma ahan maamulkan , xitaa waa maamulka mustaqbalku dalku yeelan doono" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbadda Maxamed Cabdirisaaq.

Waxuu intaasi ku daray wasiirka in shacabka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin helitaanka nabad iyo amni hagaagsan.

"Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mideysan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd mas’uuliyadda amnigeeda, iyad aan loo eegin siyaasadda doorashada iyo wax kaleba, tani waxay ahaanaysaa mid joogto ah" ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]