4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Dowladda Itoobiya oo xabsiga u taxaabtay qaar kamida shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalkeeda
 

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada midoobay ee ku sugan gudaha Itoobiya.

Afhayeen u hadlay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay xadhiga shaqaalahaas, isagoo xusay in ugu yaraan 9 kamida shaqaalaha hay'adda Qaramada midoobay iyo qoysaskooda lagu xiray Addis Ababa.

Xariga saraakiishan ayaa kusoo hagaagaya xili uu sii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya beesha caalamka iyo Itoobiya, isla markaan ay sii badanayso macluusha ka jirta waqooyiga Itoobiya, iyo goobaha ay dagaalladu ka socdaan, halkaas oo ay adag tahay inuu gaaro gargaarkii loogu talagalay.

Dowladda  Itoobiya  ayaan wali ka hadlin xariga shaqaalaha QM, iyadoo dhinaca kale Qaramada midoobay ay dowladda ka codsatay in la siidaayo shaqaalaheeda lagu xiray Addis Ababa.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]