4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Jigjiga : Telefishinka madaxa banaan ee Nabad tv oo xalay albaabada loo laabay

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa albaabada u laabtay xaruntii Telefishinka madaxa banaan ee  Nabad tv kulahaa magaalada Jigjiga.

Komishineer ku xigeenka booliska dowlad degaanka Soomaalida G/sare Maxamuud Sheekh Axmed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Telefishinku baahiyey warar iyo warbixino ka hor imanaya bayaanka xaaladda deg degga ah ee dhawaan si guud loogu soo rogay Itoobiya.

Geesta kale waxaa isna la xiray mulkiilaha Nabad tv Cabdulaahi Axmed Yuusuf, sida ay sheegtay Filsan Cabdulaahi oo ah aasaasaha Nabad tv, sidoo kalena uu dhalay mulkiilaha tvga ee la xiray.

Dadka degaanka ayaa aad uga cadhooday xariga lagula kacay Tvga Nabad tv, iyagoo sheegay inuu tvgu ahaa kan kaliya ee madaxa banaan ee xaruntiisu tahay degaanka.

Telefishinka ayaa waxaa aasaasay Filsan Cabdilaahi oo horey u ahayd Wasiiradda haweenka iyo dhallaanka ee Itoobiya, wuxuuna xariga tvgu kusoo hagaagayaa xilli Itoobiya ay ka jirto xaalad deg deg ah oo lagu sugayo amniga dalka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]