4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Madaxweyne Deni oo taliye cusub u magacaabay booliiska Puntland
 

Isniin, November 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciiddanka booliiska Puntland gaashaanle sare Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare), isagoo magacaabay taliye cusub.

Madaxweyne Deni ayaa xilka taliyaha booliiska  Puntland wuxuu u magacaabay Maxamed Cali Xaashi oo ahaa taliyihii amniga dekeda magaalada Bosaso.

Magaacaabidda taliyaha cusub ayuu madaxweyne Deni ku sifeeyay baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in sababta xilka looga qaaday taliyaha ay tahay khilaaf soo kala dhexgalay Deni iyo taliyaha booliiska, Cabdi Yare.

Cabdi yare ayaa xilkaan hayay tan iyo sannadkii 2020,  waxaana lagu xasuustaa inuu isbedel badan ku sameeyay tayada ciiddanka booliiska Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online