4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa
 

Isniin, Noveber,1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaarada deegaanka, wuuna isku badal ku sameeyay badhasaabada gobolada Sool iyo Gabilay, halka uu xilkii ka qaaday wasiir ku xigeenkii wasaarada jidadka.

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo Axmed Aadan Jaamac Axmed uu ahaado wasiirka cusub ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga oo ay hore u haysay Shukri X. Ismaaciil (Boondare), badhasaabkii hore ee gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa loo badalay gobolka Gabilay, halka badhasaabkii Gabilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye loo badalay gobolka Sool.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu xusay in wasiir ku xigeenkii wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar laga qaaday xilkii uu wasaaradaas ka hayay.

Hoos ka dheeho wareegtada oo faah faahsan:-


Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]