4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Kooxda Alshabaab oo farriisimo ka sameysatay meel ku dhow magaalada Wisil
 

Isniin, November 1, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee Badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in AlShabaab ay fariisimo ka sameysteen meel ku dhow magaalada Wisil halkaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Dadka ku sugan magaalada Wisil iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan, iyagoo ka baqaya in Alshabaab ay weerar kusoo qaadaan magaalada Wisil.

Alshabaab ayaa  horey duulaan ugu soo qaaday magaalada Wisil, iyagoo halkaas ku laayay dad shacab ah iyo ciidamo katirsan kuwa Galmudug, hase yeeshee, uma suurto galin in ay gacanta ku dhigaan, iyagoo iska caabin kala kulmay dadka deegaanka.

Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa aagga Wisil ayaa intooda badan horey u faarujiyay, iyagoo aaday dhinaca Galgaduud, halkaas oo ay uga qeyb galeen dagaaladdii ka dhacay magaalada Guriceel ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusunna.

Alshabaab waxay badi la wareegeen deegaannada koonfurta Mudug, sida Bacaadweyne iyo Camaara, kadib markii ciiddankii huwanta ahaa ay halkaasi isaga baxeen labo bilood ka hor.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online