4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Kenya oo siidaysay nin katirsanaa Alshabaab oo loo haystay weerar lagu dilay 11 qof
 

Isniin, November 1, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa xabsiga ka siidaysay Ninka u dhashay dalkeeda oo masuul ka ahaa weerar lagu dilay 11 qof oo ka dhacay saldhigga basaska ee Machakos Country, ee Nairobi.

Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa Elgiva Bwire Oliacha, waxay sannadkii 2011 ku xukuntay xabsi daa’in, isagoo la sheegay inuu katirsanaa kooxda Alshabaab.

Sii daynta ninkan oo si bareer ah u geystay falal argagixisanimo sida qorayaan warbaahinta Kenya, ayaa dhalisay dooddo muran badan abuuray.

Warbaahinta Kenya ayaa qaarkood qoraysa in ninkan iyo qareenkii u doodayay ay afduubteen dad loo maleynayo in ay katirsan yihiin boliiska. Afduubka ayaa dhacay saacaddo kadib markii xabsiga uu ku xirna lagasii daayay.

Sidoo kale qaar kamid ah qoyskiisa ayaa la afduubtay, inkastoo markii dambe la siidaayay.

Sannadkii 2011-kii, Bwire ayaa la sheegay inuu qirtay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab. Muddo 10 sano ayuu kusoo qaatay xabsi kuyaala magaalada Nairobi.

Sannadkii 2018, maxkamadda ayaa ninkan xukunkiisa u bedashay 15 sano oo xabsi, kadib markii uu ku guulaystay racfaan uu ka qaatay xukunka lagu riday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online