4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Maxay tahay sababta xildhibaanno katirsan Puntland u doonayaan in Somaliland lagu daro liiska argigixisada?
 

Isniin, November 1, 2021 (HOL) - Xildhibaanno katirsan Puntland ayaa soo jeediyay qaraar ay ku dalbanayaan in  Somaliland lagu daro liiska waxa loogu yeero argigixisada, iygaoo ku eedeeyay in ay Alshabaab wada shaqayn dhow la leeyihiin.

Xildhibaan Axmed Xiriir Gaas oo katirsan xildhibaannada golaha barlamaanka horgeeyay soo jeedintaan, ayaa u sababeeyay in ay Somaliland u fududayso Shabaab in ay Ceerigaabo kasoo galaan dhinaca buuraha Calmadow iyo Galgala, halkaas oo Shabaab ku leeyihiin saldhigyo qarsoon.

Xildhibaan xiriir wuxuu sidoo kale sheegay in ay masuul ka tahay Somaliland dilalka ka dhacay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay hayaan macluumaad rasmi ah oo caddeynaya in Somaliland ay colaadaha ka jira gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn u adeegsado dad xiriir laleh Alshabab.

“Dagaalyahannada Alshabab ee ka dagaalama Calmadow iyo Galgala waxaan ognahay in laga keeno Burco, Beer iyo Geerigaabo. Adduunyada oo dhan waa laga ogyahay in ay Somaliland caawiso Alshabaab oo aysan doonayn in Soomaaliya amnigeeda uu hagaago,”ayuu yiri xildhibaan Xiriir.

Ma ahan markii ugu horraysa oo Puntland ay ku eedeyso Somaliland in ay xiriir dhow laleedahay Alshabaab, balse Somaliland ayaa marar badan ku tilmaamay dayacaayad ay Puntland ku qarinayso fashilkeeda amni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online