4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qaraxii Caawa iyo Taliyeyaal ciidan oo ku geeriyooday
 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) -  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaana inta la xaqiijiyay qarxa ku dhintay Taliyahii Saldhiga Booliiska degmada Waaberi Axmed Baashane oo loo yaqiinay Calooleey iyo Taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde Cabdi Baasid Cabdullaahi.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo gurmad u sameyay dadkii aay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Inkastoo ilaa hadda dowladda Soomaaliya aaysan shaacin khasaaraha rasmiga ee qaraxa Caawa ayaa hadana wararka hordhaca ah ee aan heleyno waxay sheegayaan inuu jiro khasaare badan maadama xiliga qaraxa uu dhacayay uu mashquul xoogan ka jiray goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaw Isgoyska Dabka oo ah Isgoys aad u jaam badan inta badan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]