Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Wasiir Dubbe: Waxba kama jiraan in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku kulmayaan Dooxa
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmayaan magaalada Dooxa, si ay uga wada hadlaan arrinta badda.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan marnaba Kenya kala hadlayn arrimaha badda, isagoo sheegay kiiskaas in ay gacanta ku hayso maxkamada caddaalada adduunka oo go’aankeeda laga sugayo.
Wasiir Dubbe wuxuu sheegay waxa hadda laga hadlayo in ay tahay sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka xumaaday ee laba dal, laakiin aysan waxba kama jirin wararka la faafinayo ee sheegaya in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku kulmayaan Doha/Qatar oo ay ka wada hadlayaan arrinka Badda.
Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya kadib markii la faafiyay in dowladda Qatar ay madaxweyne Farmaajo ku riixayso in arrinta badda laga soo celiyo maxkamada ICJ islamarkaana labadooda ka wada xaajoodaan.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Faahfaahino kasoo baxaya qaraxii Caawa iyo Taliyeyaal ciidan oo ku geeriyooday
5/9/2021 4:13 PM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho
5/9/2021 3:15 PM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Qarax oo ahaa mid aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magalada Muqdisho.
Laascaanood : Dadaalo la doonayo in lagu illaaliyo amaanka magaaladda Laascaanood Ciida darteed
5/9/2021 10:06 AM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Sida ka muuqata suuqyada magaalada Laascaanood oo habeenadii la soo dhaafay aan albaabada loo xidhin ayaa waxaa meelaha qaarkoodblaga soo sheegayaa falal budhcadnimo.
Shir maanta uga furmay magaalada Baledweyne laba Beelood oo dhawaan ku dagaalamay duleedka Baledweyne
5/9/2021 7:44 AM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markii ugu horeysay si toos ah magaalada Baledweyne uga furmay wadahadalo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay degaano ku yaala duleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.
Digniin culus oo laga soo saaray halista Fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba
5/9/2021 7:34 AM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay FAO ayaa digniin kasoo saartay halista ka dhalan karta daadad xoog leh oo ka dhalan kara roobab dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay aay roobab xoogan ka da'ayeen qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba.
Hooyo iyo carruur ay dhashay oo ku dhintay darbi ku soo dumay
5/9/2021 5:34 AM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku dhimatay dad kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu ku soo dumay darbi la sheegay in ay gabaad uga dhiganayeen roobab lixaad leh oo saacadihii ugu danbeeyay ka da'ayay magaalada Muqdisho.
Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay ergeyga cusub ee midowga Africa
5/9/2021 2:04 AM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) -Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu soo dhaweeyay ergeyga gaar ah ee Midowga Africa ay u soo magacaabeen Soomaaliya kaasoo noqonaya Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyo ka dhacay magaalada Kabuul
5/9/2021 1:39 AM EST
Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qaraxyo ka dhacay magaalada \Kabul Afgaanistaan kuwaa oo lagu dilay tiro aradey ah oo xiligaa ka soo baxay Iskuul ay ka wax ka baranayeen.
Somali News
Car bomb hits police station in Mogadishu, heavy gunfire heard
-
HOL
5/9/2021 3:19 PM EST
MOGADISHU (HOL) - A vehicles loaded with explosives has rammed into Waberi police station in Mogadishu.
Khat from Kenya still banned, Somalia says
-
HOL
5/9/2021 3:10 PM EST
MOGADISHU (HOL) - Somalia has maintained the ban on khat imports from Kenya stands despite resumption of diplomatic ties.
Somali opposition protests inclusion of AMISOM’s Taiwo in mediation talks, terms him ‘toxic influence’
-
HOL
5/9/2021 7:41 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The opposition in Somalia has called for the withdrawal of AMISOM head of political affairs Taiwo Babatunde in the AU mediation team terming him a ‘toxic influence’ in Somali politics.
Media group launches lawsuit against top gov't officials for office raid
-
HOL
5/9/2021 2:29 AM EST
Mogadishu (HOL) - A media house in Somalia has submitted a legal complaint against the nation's spy chief and a top presidential aide last week and has received strong support from journalist unions.
IDPs washed out by rain and floods struggle for food, shelter in Somalia’s Bakool region
-
Radio Ergo
5/9/2021 12:45 AM EST
(ERGO) – Habibo Mohamed Duwane’s family has been sleeping under a tree for the past two weeks after their flimsy hut in Gargaar internal displacement camp in El Barde, in southern Somalia’s Bakool region, collapsed in heavy rain.
Minnesota family cares for daughters with rare fatal disease
-
AP
5/9/2021 12:06 AM EST
ST. PETER, Minn. (AP) — On a warm afternoon in late March 2020, Ali Abdi and one of his young daughters, Maryam, sat outside their rental home observing the neighborhood along a St. Peter street they’d moved to only days earlier.