4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Shir maanta uga furmay magaalada Baledweyne laba Beelood oo dhawaan ku dagaalamay duleedka Baledweyne
 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) -  Waxaa maanta markii ugu horeysay si toos ah magaalada Baledweyne uga furmay wadahadalo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay degaano ku yaala duleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne.

Shirkan lagu heshiisiinaayo labadan beelood ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa maamulka gobolka Hiiraan, Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, odayaasha dhaqanka laba beelood iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirkan maanta furmay ayaa la sheegay in wajigiisa koowaad maanta laga dhageysan doono labada dhinac waxyaabaha sababay dagaalka iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Maamulka gobolka Hiiraan oo shirka maanta furay ayaa goobta ka sheegay iney ka go'an tahay iney heshiis nabadeed dhex dhigaan labada beelood ee walaalah ah, waxayna ugu baaqeen odayaasha labada dhinac in la dardargaliyo heshiiska iyo nabad ku wada noolaashaha.

Shirkan lagu heshiisiinaayo labadan beelood ee maanta ka furmay Baledweyne ayaa imaanaya xili uu madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle uu ku baxay dagaalka labadan beelood isagoona ku guuleystay inuu xabad joojin dhex dhigo labada beelood.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]