4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Digniin culus oo laga soo saaray halista Fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba
 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) -  Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay FAO ayaa digniin kasoo saartay halista ka dhalan karta daadad xoog leh oo ka dhalan kara roobab dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay aay roobab xoogan ka da'ayeen qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Hay'adda FAO ayaa sheegtay inuu si aad ah u buux dhaafay Wabiga Shabeelle hadii aay sidaan xaaladu kusii socotana laga cabsi qabo fatahaado aay sameeyn karaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

FAO ayaa sidoo kale sheegtay in roobabka ugu cuslaa aay ka da'een dhulka Buuraleeyda Itoobiya kuwaas oo si toos ah daadadka ugu soo shuba gudaha Soomaaliya, gaar ahaana waxay si aad ah u saameyn doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

"Waxaa ugu daran biyo xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah oo durbaba fatahaad ka bilaabay Jowhar, bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga  Shabeelle waa iney taxadaraan maadama qulqulka biyaha la filayoniney soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan" ayaa lagu yori qoraal digniin ah oo kasoo baxay Hay'adda FAO.

FAO ayaa digniinteeda sidoo kale ku sheegtay in qatarta fatahaada wabiga Jubba aay tahay degmada Dooloow oo aay sheegeen in cabsida ugu badan halkaasi aay ka jirto marka laga soo tago wabiga Shebeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]