4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyo ka dhacay magaalada Kabuul

 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qaraxyo ka dhacay magaalada \Kabul Afgaanistaan kuwaa oo lagu dilay tiro aradey ah oo xiligaa ka soo baxay Iskuul ay ka wax ka baranayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay lagu yiri ''Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan ayaa lagu yiri” Qoralka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa kuwo argagax leh ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay kooxda Taalibaan oo inta badan iyagu sheegan jiray qaraxyada, ilaa iyo haddana lama garanayo cidda ka danbeysay weerarkan lagu laayay ardeyda

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]