4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 8 , 2021
Abuukate lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Sabti, May, 08, 2021 (HOL) -  Koox hubeysan oo aan la garaneyn ayaa goor dhaw ku dishay magaalada degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Abuukaate Cabdullaahi Cabdi  Maxamed oo ka mid ahaa Qarreennada Soomaaliyeed.

Sida dad goob joogayaal ah sheegeen Abuukataha ayaa lagu dilay xaafadda Taleex, iyadoo kooxdii dilka geysatayna goobta ay isaga baxsadeen.

Geerida Abuukaataha ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Ururka Qarreennada Soomaaliyeed iyaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi saameyn badan marka laga hadlay dhinaca aqoonta uu ahaa shaqadiisa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]