4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2021
Shan Carruur ah oo ku geeriyootay roobab ka da'ay magaalada Muqdisho

 

Jimco, May, 07, 2021 (HOL) - Shan Caruur ah oo uu dhalay Aabe lagu magacaabo Xassan Cabdullaahi ayaa ku geeriyootay roobab saacadihii ugu danbeeyay ka da'ay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Carruurtan oo ka koobnaa saddex wiil iyo gabar ayaa la sheegay in ay biyo ugu galleen gurigii ay degenaayeen xaafadda Buulaxuubeey ee magaalada Muqdisho.

Aabe Xassan Cabdullaahi oo isaga oo aad u murgeyan warbaahinta kula hadlay goobta lagu aasay carruurtay ayaa sheegay gurigii ay degenaayeen uu biyo soo galay, laakiin markii danbe guri kale oo carruurta loo raray ay biyuhu isagana buux dhaafiyeen taasoo keentay ay ku haftaan halkaana ku geeriyoodaan.

Wuxuu intaa ku darray in uu badbaadin waayay madaama sida uu hadalka u dhigay uusan aad u garaneynin dabaasha.

Dhacdadan ayaa aheyd mid xanuun badan oo ay siweyn uga damqadeen dadkii garanayay ama dariska la ahaa qoyskan ay ka baxeen shanta carruurta ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]