4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2021
Maamulka Hirshabeelle oo xabad joojin kala dhexdhigay Maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamayay duleedka Baledweyne
 

Jimco, May, 07, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa saakay ku baxay xalinta dagaal beeleed u dhaxeyay Maleeshiyo beeleed walaalo ah oo wada dega Galbeedka magaalada Baledweyne.

Labada Maleeshiyo beeleed ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamayay duleedka Galbeed ee magaalada Baledweyne gaar ahaan deegaanada Baladu-nuur, Doonmaleyko iyo Haarcadeey, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo waliba barakac xoogan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo saakay gaaray deegaanadii aay ku dagaalamayeen labada Maleeshiyo beeleed ayaa ku guuleystay inuu kala dhex dhigo labada Maleeshiyo xabad joojin hordhac ah.

Yuusuf Dabageed ayaa kulamo la qaatay odayaasha labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo waxuuna sheegay iney ka aqbaleen in xabada la joojiyo waxii sababay dagaalka iyo khasaaraha ka dhashayna dib looga wadahadli doono.

Dagaalka labadii maalin ee lasoo dhaafay u dhaxeeyay labada Maleeshiyo beeleed ayaa salka ku haayo lahaan shaha dhul beereed ku yaala deegaanada aay dirirta ku dhexmartay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]