4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2021
Ciidamadii ka gadooday muddo kordhintii barlamaanka oo maanta isaga baxay magaalada Muqdisho
 

Jimco, May, 07, 2021 (HOL) - Ciidamadii taabacsanaa musharraxiinta mucaaradka ee hor yimid muddo kororsiga dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday, ayaa maanta isaga baxay magaalada Muqdisho, iyagoo fulinayay awaamiirtii kasoo baxday guddigii loo xilsaaray xallinta xasaradihii Muqdisho ka dhacay.

Ciidamadan ayaa iyagoo wata gaadiidkooda dagaalka waxay dib ugu laabanayaan deegaanadii ay markii kasoo baxeen ee shabeellooyinka, kadib markii xal laga gaaray rabshadihii dhacay.

Bixida ciidamadan waxaa kasii horaysay in la furay waddooyinkii ku xirmay rabshadaha, halkaas oo uu shalay kormeeray Ra’iisiul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo goob jog ka ahaa hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii caasimadda.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadan ayaa sheegay in ay qaateen awaamiirtii la siiyay ee ku aadanaa in ay ka baxaan magaalada Muqdisho, si ay xaaladda caadigeeda ugusoo laabato.

Go’aanada kasoo baxay guddiga raysal wasaaruhu u xilsaaray xallinta arrimaha ciidamada, waxay soo saareen in ciidamada ka gadooday muddo kordhinta aysan dowladdu kagoosan karin  xuquuqaha ciidanimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online